|
Ururka islaamka oo ku amaanay dowlada Yaman dadaalkii ay ku bixisay isu soo
dhaweynta madaxda Soomaalida.
Kulan ballaaran oo ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo
uu shir gudoominayay dalka Qatar ayaa waxaa lagu qaada dhigay arrimaha dalka
Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saaray xaalada Soomaaliya iyo halka ay
marayaan dadaallada dibu hishiisiinta ee laga dhax wado qeybaha kala duwan
ee isku haya dalkaas.
Kulankan ay yeesheen Masuuliyiinta Ururka Islaamka oo kadhacay dalka
sacuudiga ayaa amaan ballaaran loogu jeediyay hishiiskii magaalada Cadan ay
kukala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Afhayeenka Baarlamanka.
Kulankan ayaa waxaa laga soo saaray baaq loo jeedinayo dalalka Carabta
iyo kuwo Islaamka oo ku aadan in ay taageero u fidiyaan dalka Soomaaliya,
iyadoo laga ambaqaadayo go’aanadii kasoo baxay shir madaxeedkii Carabta ee
kadhacay dalka Aljeriya.
Baaqan ay soo saareen ayaa waxaa lagu amaanay dadaalada dowladda Yemen ay
u gashay qabsoomida kulankan iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda
Soomaaliya oo aan cago badan ku taagnayn.
Wafdigii kasocday dalka Yemen ee kaqeyb galay kulankaas kadhacay dalka
Sacuudiga waxaa horkacayay danjiraha dalka Yemen u fadhiya Boqortooyada
Sacuudi Carabiya Cali Muxsin.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
|