|
Urur
goboleedka IGAD oo ka arinsanaysa waxa laga yeelayo qaxootiga dagaalada
kusoo barakacay ee gobolka bariga afrika ku sugan.
Warar kasoo baxay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya
Wasiirada u qaabilsan arimaha qaxootiga dowladaha xubnaha ka ah ururka IGAD
oo ay kujirto Soomaaliya in ay kulan kuyeelan doonaan magaalada Nairbi 20ka
ilaa 21ka bishan aynu kujirno ee February, iyagoo falanqeyn doono dhibaatada
haysata qaxootiga,dadka kusoo barakacay dagaalada iyo walib kuwa doonaya dib
in ay ugu laabtaan dalalkooda.
Ka qeyb galayaasha shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen IGAD iyo xafiiska
isku xirka qaarada afrika ee hoos taga UNHCR fadhigiisuna uu yahay magaalada
Adis Ababa ayaa kawada hadli doono dhibaatooyinka bini’aadanimo ee kajira
Gobolka iyo dejinta qorshe wax looga qabanayo, isla markaana gar gaar loogu
fidinayo dadka dhibaatada ay kasoo gaartay dagaalada kajira gobolka.
Ururka IGAD oo ay ku bahoobeen dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya,
Itoobiya, Eratariya, Uganda iyo Suudaan waxaa horyaalla wax u qabashada
dadka ku barakacay dagaalada kajira dalka Suudaan, Waqooyiga Uganda iyo
dalka Soomaaliya oo tiradooda lagu qiyaasay 7 milyan oo qof oo ah tirada ugu
badan ee qaxootiga qaxootiga qaarada afrika, marka la eego caalamkana kaga
jirta 30%.
UNHCR ayaa sheegtay shirkan looga hadlayo arimaha qaxootiga fursad dahabi
ah in uu yahay la tacaalida dadka ka barakacaya dagaalada kajira Gobolka.
Khubaro kasoo jeeda gobolka ayaa waxa ay maanta iyo beriyo yeelanayaan
kulan hordhac ah oo ay ugu gogol xaarayaan kulanka dhex mari doona wasiirada
dowladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD isugu imaanayaan.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|