|
Ninkii Dhidibada u dhigey Telefishinka CNN ayaa shaqadii ka Fariistey.
Ted Turner oo ah Ninkii aasaasey Telefishinka Caank ah ee lagu magacaabo CNN
ayaa maanta ka tagey shaqadii uu ka hayey Shirkadda kor ka Maamusha
CNN-ta taasi oo lagu magacaabo Time Warner. Ted Turner waxaa uu sanadkii
1980kii ku dhawaaqey inuu furayo Telefishinkii ugu horeeyey ee hawada ku
jira 24 saac isagoo baahinaya wararka adduunka iyo Fallooyinka kaasi
oo uu ugu magac darey Cable News Network. Markii uu sheegay inuu
furayo Telefidhinkaas Dad badan ayey la noqotey inay tahay wax aan suurta
gal ahayn hase yeeshee wuu kaga dhabeeyey waana tan maanta ka dhigtey CNN
inuu noqdo mid ka mid ah Telefishinada Adduunka loogu Daawasho badan yahay.
Ted Turner waa nin Maal qabeen ah isla Markaana leh Dhul Bannaan (Land
Owner) oo qiimo sare ka Jooga Mareykanka kaasi oo caddeyn u ah inuu yahay
nin iska leh Hanti ma guurto ah waxaa kale oo uu leeyahay Telefishino iyo
Channello kale oo Maaweelo iyo Filimo sii daaya. Ted
Turner wuxuu Sannadkii 1997kii ugu deeqey Qarmada Midoobey Lacag dhan 1
billion oo Doolar taasi oo uu ugu tala galey in lagu horumariyo hawlaha
Qarmada Midoobey. lama oga waxaa xiga ee qaban doono Ted Turner mar haddii
uu ka tagey hawlihii warbaahinta ee uu ku soo jirey sanaddo badan waxaase la
filayaa inuu billaabo wax kale oo ku saabsan isla warbaahinta ama inuu u
leexdo ganacsisyo kale. Xuseen M. Xaaji
RSTV NEWSROOM. |