|
Taliyaha isbahaysiga doxada Juba iyo 30 gaari oo kuwa dagaalka ah oo gaaray
Degmada Baraawe.
Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa
sheegaya taliyaha maliishiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba Max’ed Rooble
Jimcaale (Goobaale) iyo 30 gaari oo kuwa dagaalka ah oo uu wato in ay
gaareen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.
Lama garanayo waxa uu la xariiro socdaaalka Goobaale, balse warar laga
helayo Baraawe ayaa sheegaya taliyaha ciimada isbahaysiga Dooxada Jubba in
uu kulamo la yeelanayo masuuliyiinta degmada Baraawe.
Socdaalka Goobaale ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo uu ugu ambabaxo meel ka
baxsan magaalada Kismaayo tan iyo markii dagaaladu ay ka dhaceen magaalada
Kismaayo
Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in gaweaaridaasi dagaal laga yaabo in ay
ka qeyb qaataan dagaalka ka soconaya magaalada Muqdisho oo u dhexeeye
Isbahaysiga la dagaalanka argagixiasda iyo maxaakiimta islaamiga ah ee
gobolka Banaadir.
Maxamed Cadde.
RSTV MOGADISHO
|