|
Sifir iyo wafdi balaaaran uu hogaaminayo oo maanta Baydhabo soo gaaray.
Ra'isulwasaare ku xigeenka dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof
maxamud C/laahi Jaamac Sifir iyo wafdi uu hogamainayo oo maanta kasoo duulay
magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa soo gaaray magaalada xarunta u
ah gobolka Bay ee Baydhabo.
Dadweyne aad u fara badan iyo xubno labada gole ka tisarn ayaa wafdiga
Sifir kusoo dhaweeyey gudaha magaalada Baydhavo ayadoo wafdiga Sifir ay
isugu jireen xubno dowlada ka tirsan iyo diblomaasiyiin beesha caalamka ka
tirsan kuwaasi oo Baydhabo u yimid u kuu r galida xaalada magaaladan.
Wafdiga ra'isulwasaare ku xigeenka ayaa waxaa la dejiyey xarun ku taalla
gudaha magaalada Baydhabo halkasi oo maalmaha soo socda ay ka bilaabi
doonaan howshii horey loogu xilsaaray oo ahayd diyaarinta kalfadhiga
barlamaanka kmg ah ee Soomaaliya .
Maxamud C/laahi Jaamac Sifir ayaa hadal kooban u jediyey xubnihii soo
dhaweeyey waxaana uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay imaatinkiisa
magaalada Baydhabo isla markaana dhawaan uu bilaabi doono howshoo
madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka ay u xilsaareen oo ahayd isku duba
ridka kalfaadhiga Baydhabo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|