Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Baydhabo dib ugu soo laabtay.

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii lasoo dhaafay oo dhan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Shariif Xasan oo maalmahan wadahadallo kula lahaa magaalada Gaalkacyo madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra’iisulwasaare Geedi ayaa si diirran waxaa ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo ay ka mid ahaayeen, ra'iisulwasaare ku xigeenka Maxamuud C/laahi Jaamac Sifir, wasiirka horumarinta haweenka Fowsiyo Max'ed Sheekh, wasiirka xanaanada xoolaha Ibrow, wasiir ku xigeenka waxbarashada Mukhtaar Max’ed Yuusuf, xildhibaan Macallin Jiis iyo dadweyne aad u farabadan.

Wafdiga gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa loo gudbiyay aqalka looga diyaariyay magaalada, iyadoo la filayo saacadaha soo socda Shariifka in uu qabto shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo kulamadii uu lasoo yeeshay madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisulwasaaraha Cali Max'ed Geeddi.

Imaatinka wafdiga Shariif Xasan ayaa kusoo beegmay xilli degmada Waajid lagu soo gabagabeeyay kulan ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay uga socday halkaasi siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay gaareen heshiis soo afjaraya qilaafkii u dhaxeeyay oo sababay gacan ka hadal ku dhax mara magaalada Baydhabo.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM