Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kalfadhiga Baarlamanka oo maanta ka furmay magaalada Baydhabo

kalfadhiga baarlamanka fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmay magaalda Baydhabo, iyadoo kalfadhigaana ay xaadir ku yihiin ku dhawaad 200 oo mudane.

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo furitaanka Kalfadhiga baarlamanka ayaa waxaa ay ka dhacday hoolka Dugsiga 12:00 Duhurnimo, iyadoo halkaasina lagu diyaariyay 350 kursi oo loogu tala galay xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee kasocota beesha caalamka ee goob jooga ka ah kulankaas.

Kalfadhigii maanat ayaa waxaa uguhorayn waxaa ka hadlay xoghayaha guud ee Urur goboleeda Igad Alfa Omar Konari ee isagu sheegay in u aad ugu faraxsan yahay in uu maata uu arko kulankii baarlamaanka uu ka dhacao gudaha soomaaliya iyadoo aanay jirin wax qailaaf oo ka dhaxjira xubnaha baarlamaanka

Kulanki maanta ayaa waxaa uu Alfa Omara Konari uu ka sheegay in xubnaha baarlamaanka ay hor yaalaan arimo badan waxaan au intaa ku daray in ay jiraan shaqsiyaad aad uga so horjeeda nabadda iyagoo aanay la haboobayn nabadda waxaana uu ugu baaqay xildhibaanadda maanta kulankaa ugau biloowday magaaladda Baydhabo in ay iska ilaaliyaan dadka aiyaga ah ee aan doonayn nabadda iyada ah

Alfa Omar konari waxaa uu sheegay in waxyaabihii ay jowhar ku qabteen Madaxweyanaha iyo raa’iisul wasaaraha ee ahaa in wax waliba ay soo dhameeyeen ayna iyaguna sidaa ay yeelaan

Xoghaya guud ee ururka AU waxaa uu sheegay in Ururkaasi uu diyaar u yahay in uu wax la qabto soomaliya uuna u taagan yahay iridkiis uuna ka doonayo xubnahaa baarlamaanka ku meel gaarka ah ee maanta iyagu kulankaa goob joog ka ahaa

Kulankii maanta ka furmay magaaladda Baydhabo waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa kana kala socday wadamada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta. Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub. Iyo wakiilo ka socda hayadaha aan dowliga ahayn

Gudoomiyaha baaralamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay kalfadhiga maanta in aanan wax ajanda ah lasoo hordhigi doonin xildhibaanada, balse waxa uu noqon doonaa kulan furitaan ah.

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu halka aka jeediayay furitaanka kalfadhiga uu ka qudbad dhinacyo badan taabanayso oo uu kaga hadlay arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo howlaha ballaaran ee horyaalla baarlamanka Soomaliya oo muddo sanad iyo bar ku kala maqnaa khilaaf soo kala dhex galay.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadlay raaisul wasaaraha dowladda ku meel gaarka ah Cali MAxamed Geeddi oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta kualnaani ay isugu yimaadaan dad iyagu in muddo ahaan isu imaan

Geeddi ayaa sheegay in kala maqanaashaha baarlamaanka uu sababay in ay meesha ka baxday waxyaabihii ay dadka soomaliyeed ka sugayeen

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay indhaha ku hayaan kulanka maanta ka furmay Baydhabo iyo waxa kasoo bixi doona, iyadoo dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya laga dhowrayo in ay ka gudbaan ismaan dhaafkii u dhaxeeyay, isla markaana ay uwada istaagaan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed oo dowlad la’aan ku jiray muddo 15 sanadood ah.

Maxamed Cadde.