Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shir looga hadlayey Dhibaatada Abaaraha oo ka dhacey Xarunta Shirkadda Nationlink ee Baardheere

Kulankaan galabta xarunta shirkada nation link ee deg mada baardheere ee gobolka gedo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maaulka shirkadaha Nation link, global money transfer iyo culimaa’udiinka uu horkacayo sheikh Maxamed Bishaar.

Kulankaa galabta oo ahaa mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada, culimada magaalada, dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada uu horkacayay ugaaska beesha sae ugaas cumar ugaas xirsi.

Kulan ayaa ujeedadiisa ugu wayn waxay ahayd wacyi galin iyo sahan ku aadan sidii qiimeen iyo wax kaqabasho loogu sameyn ahaa gobolka gedo oo abaaro ba’an ku habsatay dadka iyo duunyada kunool oo ay wadaan gudiga gurmadaka abaaraha soomaaliya oo xalay soo gaaray magaalada baardheere ee gobolka gedo.

Warbixino ay soo jeediyeen gudidii gurmadka abaaraha soomaaliya oo laxiriiray sida ugu sahlan ee wax loogu qaban karo arimahaan abaaraha kadib, waxaa goobka kulanka kahadlay ugaaska beesha sade ugaas cumar ugaas

Wuxuuna balan qaaday inay lashaqeeyn doonaan gudigaan gurmadka asagoo isla markaan u mahad celiyay ragii kasoo shaqeeyey gaarsiinta dadka walaalaha ee dhibaataysan deeqda isugu jirta biyo iyo nbaad

Maxaed tahliil warsame oo ah afhayeenkawefdiga gurmaka ayaa wuxuu ii xaqiijiyay shan maalmood servy ah kadib biyo iyo baadba ay heli doonaan dadka soomaaliyeed ee abaarta hayso ayaga iyo xoolahooda

Fahad Maxamed Abukar
Baardheere Gedo

fahadbaay@hotmail.com