|
Madaxa midowga muslimiinta caalamka Yuusuf Alqardhaawi oo eedeyn kulul oo ku
aadan ka gaabiskii u gargaarida dadka abaartu ku heysato Soomaaliya u
jeediyey beesha caalamka.
Dr Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ayaa ku eedeeyay beesha calamka in ay ka
jiifatay wax u qabashda Soomaalida dshibaateysan ,halka uu ka sheegay in taa
badalkeeda ay si weyn ugu gurmadeen duufaantii katriina ee mareykanka.
Xogahaya guud ee xiriirka caalimiga muslimiinta Dr Yuyuf Alqardaawi ayaa
ka deeriyay xaalada bani`aadinimo ee ka jirta Soomaaliya ee ka dhalatay
abaarta xoogan ee ka jirta dalkaani.
Yusuf AlQardawi ayaa Khudbadii salaada Jimcaha waxa uu ku sheegay in loo
baahan yahay in gar gaar muuqda lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee u baaba`aya
cuno la`aanta iyo biyaha.
Muftigaan dhanka diinta looga dambeeyo ayaa ku booriyay hay`adaha gar
gaarka islaamka in gacan muuqata ay u fidiyaan dadka walaalahooda ah ee
Soomaaliyeed isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay in talaabadaasi looga
fadhiyo Jaamacada Carabta , Ururka Shirweynaha Islaamka iyo Hay`adaha
Qaramada Midoobay.
Muftigaan ayaa tibaaxay in wax laga naxo ay tahay sawirada laga soo
bandigay Tv-da caalamka ee muujinaya dhibaatada ku habsatay dadka
soomaaliyeed taas oo keentay in hay`adaha gar gaarka uu baaq u jeediyo isaga
oo hay`ada gar gaarka Qadar iyo hay`ada Sheekh Ciid si gaar ah uga codsaday
in barnaamijkaani ay fuliyaan.
Dunida aduun gaaraya Malaayiin lacag ah ayay ugu deeqeen dalka Mareykanka
ka dib Duufaantii Kaatriina maxaa iminka looga aamusan yahay dadka abaartu
leyneyso ee Soomaaliya sidaa waxaa ku dooday Sh.Yusuf AlQardawi.
Yusuf Alqardawi waxa uu xusay in ay lama huraan ay tahay in gar gaar loo
fidiyo dadka soomaaliyeed ee abaartu heyso waxa uuna carabka ku dhajiyay in
uu ka shaqeyn doono sidii dadka sadaqada baxsanaya ay u kaalmeyn lahaayeen
walaalahooda Soomaaliya.
.
Maxamed Cadde.
RSTV MUQDISHO
|