|
Shariifka oo soo gaaray gaalkacyo.
Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xassan
Sheekh Aadan ayaa maanta sidii la filayeyba ka degay magaalada Gaalkacyo ee
xarunta gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Afhayeenka barlamaanka iyo wadigii la socday oo maanta ka
dhoofay magaalada Baydhabo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey
xubno xildhibaano iyo wasiiro isugu jira oo uu hogaaminayey ara'isulwasaare
Cali Maxamed Geedi,mas'uuliyiin maamul goboleedka Puntland ka tirsan iyo
kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhaweynta gudoomiyaha kuwaasi oo
caleemo qoyan ruxayey.
Afhayeenka barlamaanka iyo xubnihii la socday oo ay ka mid
ah ahaayeen wasiiro ku hubeysan Muqdisho oo ay ugu horeeyen wasiirka howlaha
guud iyo guryeynta Cisman Xassan Caato"Caato" iyo wasiiru dowladaha dekedaha
iyo gaadiidka badda Maxamed Jaamac Furux ayaa markii ay soo gaareen gudaha
magaalada Galkacyo waxaa loo sii gudbiyey hoteelka lagu magacaabo Tar City
oo ku yaalla duleedka magaalada xarunta u ah gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Shariif Xassan iyo wafdigiisa ayaa hoteelkaasi waxa ay
kulamo kula qaadan doonaan madaxweynaha iyo ra'isulwasaare KMG ah ee
Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi si madaxda sar sare
ee dowlada ay hal mowqif oo mid ah u wada qaataan oo laga gudbo qilaafka iyo
is heysadka siyaasadeed.
Seddaxdan mas'uul ee ugu sareysa dowlada ayaa la filayaa in
marka ay soo dhameystaan kulamadooda ay si usoo dhaqaan ayagoo wada jira
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay si ay uga qeyb qaataan kalfadhiga
barlamaanka ee magaalada Baydhabo ka furmaya 26-ka bishan aynu ku jirno.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
|