Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan oo maanta Baydhabo ka degay.

Afhayeenka barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheeq Aadan iyo wafdi ballaaran uu horkacayo ayaa galabta kasoo dagay garoonka dayaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayagoo k asoo kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wafdiga gudoomiyaha oo ay ka mid ahaayeen wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cisman Caatio iyo Ibrahim Kiishbuur wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa waxaa magaalada Baydhabo ay soo gaareen galabnimadii maanta ayadoo halkaasina ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno aad u fara badan oo labada gole ka tirsan kuwaasi oo ay hogaaminayeen xildhibaan Xaabsade iyo Sheekh Maxamed Nuur Madoobe wasiirka caddaalada ,dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid deegaanada kala duwan ee gobolka Bay iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka wax iska caabinta Rahanweyn ee RRA-da(Rahanweyn Resistance Army".

Gudoomiyaha ayaa la hadlay dadkii soo dhaweeyey waxaana uu uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen isagoo sheegay in ku faraxsan yahay sida weyn ee ay usoo dhaweeeyeen.

Shariif Xasan iyo wafdigii la socday ayaa waxaa loo soo gelbiyey xarun ku taalla gudaha magaalada Baydhabo taasi oo ay u diyaariyeen maamulka magaalada Baydhabo waxaana lagu soo waramayaa in magaalada Baydhabo amaankeeda haatan si weyn loo adkeeyey.

Gudoomiyaha ayaa abaabulka soo dhaweyntiisa waxaa magaalada baydhabo uu ka bilowday horaantii isbuucan ayadoo gudoomiyaha barlamaanka uu m agaalada baydhabo kaga qeyb qaadanayo isu dubaridida kulanka Baydhabo ee lagu wado inuu dhaco 26-ka bishan.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM