|
Shariif Xassan oo u kala dab qaadaya Caato,Yuusuf iyo Geeddi.
Gudoomiyaha barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa wada qorshe ballaaran o
la isugu keenayo hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho ku sugan ee kasoo
horjeeda siyaasada madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha KMG ah ee Soomaaliya
waxaana gudoomiyaha barlamaanka haatan uu ku howlan yahay sidii la isugu soo
dhaweyn lahaa madaxweynaha,ra'isulwasaaraha iyo wasiirka howlaha guud iyo
guryeynta Cisman Xassan cali Caato ayadoo haatan lagu soo waramayo in kulan
irdaha loo laabay uu uga socda mas'uuliyiintan xarunta madaxweynaha uu ka
degan yahay Gaalkacyo ee hotel Tar.
Shariif Xassan ayaa isuga cayaarada kaalinta dhexdhexaadiye nimada isagoo
ku howlan sida wararku sheegayaan ka dhaadhicinta wasiirada hubeysan ee
Muqdisho ku sugan taageerida heshiisyadii uu la gaaray madaxweynaha iyo
ra'isulwasaaraha iyo waliba in ay si wada jir ah ay uga qeyb galaan kulanka
Baydhabo looga balansanyahay 26-ka bishan.
Dhinaca kale munaasabad qado ah oo ayaa maanta madaxda dowlada
federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxaa loogu sameeyey tuulada Roox ee ku taal
duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xafladan ayaa waxay tahay mid qado ah waxaana loo sameeyey madaxweyne C/laahi
Yuusuf, Gudoomiye Shariif Xasan, ra'isalwasaare Geedi,wasiirka hawlaha guud
Cismaan Caato iyo xubnaha kale ee DFKMG ah ee Soomaaliya iyo xubno kale oo
dowlad goboleedka Puntland ka socday.
Qadadan ay isla qaataan mas'uuliyiintan ayaa muujinaysa in uu jiro isu soo
dhawaanshiyo u dhaxeeye madax sare ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
RSTVONLINE
|