|
Siminaar maanta Jowhar looga furay xubnaha gudiga dib u dhiska qaranka.
Wasiirka wax barashada dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cali C/laahi
Cosoble ayaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka
Soomaaliya waxa uu ka furay siminaar aqoon loogu kordhinayo gudiga qaabilsan
dib u dhiska gobolada dalka Soomaaliya kaasi oo ay xubin ka yihiin Soomaali
iyo Shisheeye.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Cali
Cabdullaahi Cosoble ayaa xariga ka jaray siminaarkii maanta loo furay gudiga
dib u dhiska qaranka waxaana siminaarka maanta intii uu socday la isku
weydaarsaday aaraa kala duwan..
Intii siminaarka maanta uu ka socday magaalada Jowhar ayaa waxaa la
isweydaarsaday su'aalo ay ka mid ahaayeen sababaha keenay in dib uu u dhaco
aqoon is weydaarsiyadii gudigan looga fadhiyey inuu sameeyo ayadoo xubnaha
gudiagn ku jirana ay ballan qaadeen in dhawaan arintaasi ay dib u bilaabi
doonaan.
Wasiirka wax barashada Soomnaaliya Cali C/laahi Cosoble ayaa shaaca ka
qaaday in dhawaan gudigan howlihiisa rasmiga uu dib u bilaabi doono.
Maxamed Cadde.
RSTVONLINE
|