|
Wax garadka gobolka Sanag oo cabsi
ka muujiyey xaalufinta lagu hayo dhirta gobolkaasi.
Odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa maanta qeylo dhaan
aad u ba’an kasoo saaray xaalauf ba’an oo lagu hayo keymaha gobolkaasi
ayadoo ganacsato aad u fara badan oo Soomaali ah ay ku howlan yihiin goynta
iyo gubida dhirta gobolkaasi ayagoo ka samaynaya dhuxul dabeedna u dhoofiya
wadamada carabta qaar ka mid ah.
Baaqan ay soo saareen odayaashagobolka sanaag ayaa waxaalagu sheegay in
gobolkaasi ay ka taagan xaalad aad u daran oolagu dhibaataynayo dhirta iyo
deegaanka ayagoo sheegay in gobolkaasi 24-kii saac ookasta ay soogalaan kana
baxaan gawaari gaareysa 65-75 kuwaasi oo sida dhuxul lagasoo guray dhirta
gobolkaasi .
Axmed Xasan Cabdi oo ka mid ah odayaashii maanta baaqa soo saartay ayaa
sheegay in 3 kun oo u dhashay Itoobiya gaar ahaan qabiilka Oramadaay iminka
goyn iyogubidku hayaan dhirta gobolka Sanag gaar ahaan dhirta magaalooyinka
Dhahar iyo Baran waxaana odayaashan ay sheegeen in iminka lama dagaan laga
dhigay 800 km2 oo gobolada Puntland ka tirsan waxaana sidoo kale ay
carabaabeen in baaq horey ay ugudireen maamulkaPuntland ay ku hungoobeen.
Odayaashan ayaa sheegay in maamulka Puntland oo horey u balanqaaday
inodayaashan lagu taageerayo ciidamo iyo qarash ayaan arintaa fulin waxaana
iminka odayaashan ay muujinayaan cabsi ballaaran oo ku aadan in aagga
xaalufka uu ka socda laga hayaamo.
Laakiin arinta ku aadan in maamulka Puntland uu taageeradii uu u
balanqaaday odayaashan aaney fulin waxaa gaashaanka u daruuray gudoomiyaha
degmada Baran Maxamed Axmed Cisman oo sheegay in maamulka Puntland uu ugu
deeqay ololaha lagula dagaalamayo xaalufinta dhirta lacag gaareysay 35
milyan oo shlin laakiin ay lunsadeen saraakiishii loo soo dhiibay.
Si kastaba ha ahaatee xaalufka lagu hayo dhirta Soomaaliya ayaan ahayn
mid ka taagan oo kaliya Puntland ayadoo gobolo fara badan oo Soomaaliya ka
tisran uu iminka xaaluf ba’an i ka socdo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|