Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Faransiiska ayaa ku Biirey Qorshihii Ruushka ee ahaa inuu wadahadal la yeelanayo Ururka  Xamas.

Shaley ayey ahayd markii Madaxweynaha Ruushku uu shaaca ka qaadey inuu ku marti qaadayo dalkiisa madaxda Ururka Xamaas ee Reer Falastiin kaasi oo ku guuleystey doorashadii ka dhacdey Dhulka falastiin Bishii hore.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtey inay lama huraan tahay wadasheqeyn lala yeesho urukaas mar haddii uu yahay midka ay dadku doorteen waxayna sheegeen Ruushku in tallaabada ay qaadeen ay qaadi doonaan dalal badan oo Aduunka ah.

Dowladda israa'iil ayaa si Caro leh uga Jawaabtey Qorshaha Ruushka ee ah Martiqaadka Xamaas, waxayna sheegtay in Ruushku uu u Gafey Israa'iil waxayna is weydiiyeen waxaa uu Ruushku sameyn lahaa haddii ay Martiqaad u sameyso Israa'iil ururka Ka dagaalama Chechnya.

Haddaba Maanta ayaa Faransiisku sheegeen iney qaadi doonaan tallaabada Ruushka oo kale afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibadda ee Farnsiiska laguna magacaabo Denis Simonneau ayaa sheegay  iney tahay billooow  wanaagsan ayna wax ku soo kordhineyso qorshihii Nabadda Bariga dhexe iyadoo horseedi doonta inay timaaddo laba dal oo ay yeeshaan Israa'iil iyo Falastiin oo is dhinac Degan Nabadna ku wada nool.

Dalal badan ayaa ururka Xamaas ku eedeeyey inuu yahay urur Argagixiso isla markaana aan u qalmin in wadahadal lala yeesho, intiise ay doorshada ku guuleysteen ayaa laga codsadey inay Joojiyaan weeraradii Isqarxinta iyo inay Hubka iska dhigaan isla markaana ay aqoonsadaan Jiritaanka Israa'iil hase yeeshee wali ma aanay yeelin arrimahaas loo soo jeediyey.

RSTVONLINE.