|
Laanqeyrta Cas oo bilowday in raashin hawada ay uga daadiso dadka macluushu
ay ku haysato dhulka Somalida Itoobiya.
Mas`uuliyiin dalka Ithobiya u qaabilsan dhanka arimaha bani`aadinimada
ayaa daboolka ka qaaday in hay`ada Laanqeerta Cas ay bilaawday hab ay
raashiin gar gaar ah dadka dhibaateysan hawada ugu soo daadineysa iyadoo la
adeegsanaya diyaardo helo kobtar goblka Soomaalida ee dalka Ithobiya.
Mas`uulka Hay`da Laan qeerta Cas ee dhanka war faafinta u qaabilsan ee
Batrik Megevandy ayaa sheegay in hay`ada ay soo gireysteen diyaarado kuwaas
oo cunooyinka gar gaarka oo ay ku jiraan biyaha iyo dawooyinka gaar siiya
deegaanada gobalka ismaamulka soomaalida Ithobiya.
Mr Megevandy waxa uu tilmaamay in hay`adu ay ka go`an tahay in si siman
ay gar gaar u gaarsiiyaan dadkaasi ee abaartu heyso taas oo ka dhalatay roob
yari ka jirta gobalkaasi.
Barnaamijkaan oo scondoona muddo laba bil ah ayaa si gaar ah diirada
loogu saari doonaa dhameystirka dadka gar gaar biyaha iyo dawooyinka xoolaha
ee la gaarsiinayo dadka dhibaateysan
Ma`suulkaani ka tirsan Laan qeerta Cas ayaa waxa uu xusay in goobaha sida
weyn ay abaaraha u saameeyeen ayaa waxaa ka mid deegaanka Baari ee goablka
Afdheer iyo deegaanada ku yaal aaga uu maro wabiga Shabelle ee gobalka Goday
halkaasi oo ah deegaanada ugu daran ee abaarta ka jirta.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|