|
Qaar
ka mid ah xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Baay iyo Bakool oo u
kicitimaya magaalada Baydhabo.
Xubnaha labada gole ee ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ayaa ku jira
diyaar garow aad u ballaaran oo ku aadan sidii ay u tagi lahaayeen magaalada
Baydhaba si ay uga qeyb galaan kulanka baarlamaanka Soomaliya ee dhawaan
qabsoomaya.
Xubnahaan ayaa la filiyaa in ay gacan ka geystaan wax ka qabashada
amaanka iyo fududeynta qabsoomidsa kulankaasi ayadoo ay usii dheertahay wax
ka qabshada nadaafada magaalada Baydhaba.
Wasiirka ariamaha Haweenka ee dowlada KMG Soomaaliya Fowsiyo Maxamed
Sheekh kana mid ah xubnaha ka soo jeeda Bakool iyo Bakool ayaa shaaca ka
qaaday in xubno ay horkaceyso ay dhawaan u ambabaxi doonaan magaalada
Baydhabo si ay gacan uga geystaan dadaalka loogu jiro wax qabashada amaanaka
magaalada Baydhaba.
Wasiirada haweenka ayaa waxa ay carabka ku adkeysay in guud ahaan
maleeshiyada laga saari doono magaalada Baydhabo lana geyn doono dibada
magaalada.
Mar wax laga weydiiyay suura galnimida ciidamo ka socda Itoobiya in la
keeno magaalada Baydhabo maadaaama Baydhabo ay ku taallo meel aan sidaa uga
fogeyn xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegtay in arintaasi aanay ahayn
mid qorshaha iminka ku jirta ayadoo meesha ka saartay in arintaasi aaanay
ahayn mid suuro geli karta.
Sidoo kale xubno ka tirsan kuwa kasoo jeeda Bay iyo Bakool ayaa lagu soo
waramayaa in ay kasoo kicitimaan Nairobi si ay ugu biiraan xubnaha ka qeyb
qaadanaya diyaarinta magaalada Baydhabo.
Wasiirada beeraha Shati Gaduud iyo garsoorka Sh Aadan Madoobe ayaa lagu
wadaa in Baydhabo ay soo gaaraan saacadaha soo socda ayadoo amaanka
magaaladana si weyn loo adkeeyey.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|