Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xaaladda nololeed iyo Dhaqaale ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Degmada baardheere ee gobolka gedo waxay magaalada Baydhabo u jirtaa 210km masaafo dhan, wadada  isku xirta labadaan magaalo waa mid raf ah oo ay ka muuqato burbur lixaad leh taasoo u dheer jidgooyooyinka aan shrciga aheyn oo daadsan wadada dheer ee isku xirta labaan magaalo.

Waxay ka koobantahay magaalada Baardheere 4 xaafadood oo lakala yiraahdo Horseed, Hilaac, Juppa iyo xaafada waaberi, waxayna ku hadlaan dadka kunool magaaladaan afafka maayga iyo maxaatiriga, kuwaasoo ah dad isugu jira Baara lay, xoolo dhaqato iyo ganacsato.

Xaalada nabad galiyada waa mid aan u wanaagsan oo la’isku haleen karo majiraan maleeshiyaad lagu arkayo gudaha magaalada ayagoo hub sita, wuxuuna ku tiirasan yahay ganacsiga magaalada magaalooyinka muqdisho iyo kismaayo

Guud ahaan gobolka gedo oo kajirta abaaro ba’an oo wada saameeysay dadka iyo xoolaha ayaa hadana waxaa u dheer dadka kunool gobolkaan gedo kuleel ba’an oo laga yaabo inuu sababo shuban biyood caruurta da’dooda yertahay.

Hotelada iyo xaafadaha magaalada ayaa kuleel dartii aan habeenkii guryaha laseexan waxaana la’arkayaa dad badan oo gurihii kala soobaxaya sariirihii oo seexanaya meel aan guri ahayn sababo kuleel dartii

Sikas taba ha’ahaatee waxaa soconaya dadaalo xoogan oo ay wadaan gudi katagay magaalada muqdisho oo usocda wax ka qabashada xaaladaha abaaraha ee saameenta ba’an ku reebtay dadka iyo duunyada gobolka gedo.

Fahad Maxamed Abukar
Baardheere gedo

Fahadbaay@hotmail.com