|
Ilaale katirsanaa kuwa Barre Hiiraale ayaa xalay lagu diley Magaalada
Kismaayo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada
hoose ayaa sheegaya qalalaase fiidnimadii xalay ahayd ka dhacday gudaha
magaalada Kismaayo in uu ku geeriyooday mid ka mid ah Ilaalada gaarka ah ee
wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ahna gudoomiyaha Isbahaysiga Dooxada
Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).
Falkan oo kadhacay Xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo oo ay gaysteen
Maliishiyooyin kaxaysanayay gaari yar ayaa ilaa iyo weli la garanayn sababta
dhabta ah ee kadanbaysa, balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan falkan
dilka ah in ay gaysteen Maliishiyooyin daacad u ah Col. Cabdi Cigaal oo
xalay dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.
Ninkan katirsanaa Ilaalada Wasiirka dibu dhiska iyo dibu dejinta oo la
oran jiray C/laahi Barweyne ayaa lagu soo warramayaa xiliga laqaarijinayay
ninkan in uunan wax shaqo ah kujirin, waxaana saakay lagu aasay Xabaale
kuyaalla Koonfurta magaalada Kismaayo.
Dilkan ninkan katirsan Ilaalada Barre Hiiraale ayaa kusoo beegmaya xilli
magaalada Kismaayo shalay dib loogu soo celiyo Maliishiyooyin ka amar qaata
Col. Cabdu Cigaal oo dhawaanahan gaduud ugu maqnaa Jaziirada Kooyaame, kadib
dagaalkii qaraaraa ee dhex maray Maliishiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba
iyo Maliishiyooyin taabacsan Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo isna mar ahaan
jiray Taliyaha Maliidhiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba, balse xufguf ay
dhex martay isaga iyo Barre Hiiraale.
Dib usoo celinta Maliishiyooyinkan ayaa timid kadib markii Gudoomiye
kuxigeenka Isbahaysiga Dooxada Jubba ahna Xildhibaan katirsan Dowladda
Fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Yuusuf Mire Seeraar oo maalmahanba ku
howlanaa soo afjarida xiisadihii dhaliyay gacan kahadalkii dhex maray
Maliishiyooyinka kala taageersan Barre Hiiraale iyo Col. Cabdi Cigaal.
Xildhibaan Seeraar oo kusugnaa magaalada Jowhar xiligi dagaalka culus ee
kaqarxay magaalada Kismaayo ayaa kadhaadhiciyay Maliishiyooyinkan dib in ay
ugu soo laabtaan magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Seeraar oo hadal kooban u jeediyay maliishiyooyinkaas ayaa ku
boorriyay in ay dhowraan nidaamka iyo kala danbaynta, isla markaana ay la
shaqeeyaan ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba, isagoo ugu baaqay in ay iska
halmaamaan dagaalkii ka dhacay magaalada ee dhex maray maliishiyooyinkaas
iyo maliishiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba.
Dhanka kale Maliishiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa maanta waxa
ay magaalada Kismayo ka bilaaben roondooyin lagu sugayo ammaanka, isla
markaana lagu baadi goobayo maleeshiyooyinkii dilka u geysatay mid kamid ah
Ilaalada Barre Hiiraale.
Maxamed cadde
RSTV NEWSROOM
|