|
Francios Fall oo kula taliyay hogaamiyayaasha Muqdisho in ay shacabka ka
daayaan dagaalada.
wakiilka gaarka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya
francios Lonseny Fall ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaalamay magaalada
Muqdisho gaar ahaan hogaamiyayaasha hubeysan in ay soo afjaraan colaada ka
dhax aloosan, isla markaana ay u naxaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato
farabadan ay kasoo gaartay dagaaladaas.
" waxaan aad uga naxay markii aan maqlay dagaalka ka qarxay magaalada
Muqdisho iyo wararka sheegayay dadka ku geeriyooday ama ku dhaawacmay
dagaalkaas in ay ka mid ahaayeen caruur ,haween iyo dad rayid ah" ayuu yiri
wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya francio fall.
"aad baan u argagaxay markii ay isoo gaareen warar sheegayay boqolaal
qoys in ay ku barakaceen dagaalkaas oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa
kala duwan" ayuu yiri Fall oo intaa raaciyay in aan la qaadan karin dadka
rayidka ah iyo guryahooda in ay masrax u noqdaan dagaalada dhex maraya
labada dhinac ee ku diririya magaalada Muqdisho.
Francios Fall ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay baaq nabadeed oo uu u
jeediyay hogaamiyayaasha labadi dhinac ee ku diriray magaalada Muqdisho in
ay wadahadal ku xaliyaan khilaafaadka soo kala dhex gala.
baaqan kasoo yeeray wakiilka xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya ayaa
kusoo beegmay xilli waxgarad ku dhaqan magaalada Muqdisho ay kulamo ku
leeyihiin hoteelka Nabadda, kasoo ay uga wada xaajoonayaan sidii loo soo
afmeeri lahaa dagaaladii ku dhex maray magaalada Muqdisho midowga maxaakimta
islaamiga iyo isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada.
Mr Fall ayaa la filayaa inuu soo gaaro Magaalada baydhabo si isaga iyo
xubno ka socda beesha Caalamka si ay goobjoog uga noqdaan Kulanka
Mudanayaasha B/lamaanka ee Maalinta Axadda ah ooku abaaran 26ka bishan lagu
wado inuu ka dhoco Magalamadaxda Gobolka Baay ee Baydhabo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|