|
Muqdisho oo maanta xasiloon ka dib markii xalay uu dagaal ka dhacay.
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa Maanta xasiloon kadib markii dagaal
socday ku dhawaad 15 daqiiqadood uu habeenimadii xalay kadhacay goobihii ay
isku hor fadhiyeen ciidamada midowga maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga la
dagaalanka waxa loogu yeeray argagixisada. Ee agagaarka dhismihii Kuliyadii
Jaale Siyaad.
Wararka qasaaraha dagaalkii Xalay ayaa waxa uu sababay dhimashada hal qof
iyo Dhaawaca Laba kale oo uu Madfac kula dhacay iyagoo marayey bartamaha
suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
waxgarad isuga jira odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa
waxa ay ka codsadeen midowga maxaakimta islaamiga in ay xabada jojiyaan,
isla markaana ay u turaan shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada
Muqdisho, taasoo masuuliyiinta midowga maxaakimta islaamiga ay ka aqbaleen
codsigii masuuliyiintaas, waxa ayna ku dhawaaqeen dhankooda in ay qaateen
talada waxgaradka, xabadana ay joojiyeen.
waxgaradkan ayaa caqabad kala kulmay dhanka isbahaysiga ladagaalanka
argagixisada oo ka caga jiidaya xabada in ay joojiyaan, waxa ayna ugu
baaqeen wasiirada hubaysan ee ku bahoobay isbahaysigaas in ay u naxaan
shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo qaati ka taagan dhibaatada kala soo
gudboonaatay dagaalada ay hurinayaan.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWS, MUQDISHO
|