|
Midowga Yurub oo deeq u fidiyey dadka abaartu ay ku dhufanayso geeska Afrika.
Midowga yurub ayaa go’aan ku gaaray wax ka qabashada abaaraha ba’an ee ka
taagan wadamada geeska afrika oo Soomaaliya xubin ay ka tahay.
Aduun gaaraya 5 milyan Euro oo u dhiganta 6 milyan doolar ayuu midowga
Yurub ugu tala galay wax ka qabashada abaaraha geeska afrika ku dhacaya ee
kumanaanka ay ku geeriyoonayaan.
Madaxada xafiiska midowga Yurub ee magaalada Adis ababa gabadha lagu
magacaabo Luwis Mikel ayaa daboolka ka qaaday in gaajada iyo macluusha ka
jirta geeska afrika ay sii xoogeysan doonto haddii midowga yurub uusan
qaadin talaabooyin deg deg ah oo ku aadan in kaalomooyin in la gaarsiiyo
dadka abaareysan ee gobolkan ku dhaqan.
Luwis waxa ay intaa raacisayin kaalmadan midwoga Yurub lagu fududeyn
doono sidii biyaha la cabo loogu heli lahaa dadkan haraadsan iyo waliba
cunooyinkii ay nafta kusii cehsan lahaayeen.
Mas`uulkani ka tirsan midwoga yurub waxa ay hay`adaha gar gaarka ku
boorisay in ay qaadaan talaabooyin wax ku ool ah oo wax loogu qabanayo dadka
ku abaareysan Soomaaliya ,Kenya iyo Itoobiya ,waxa ayna ka deyrisay xaalada
dadkaasi ay iminka ku nool yihiin oo ay sheegtay in aan indhaha laga laaban
Karin.
Maxamed Cadde.
RSTVONLINE
|