Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Dheere oo u hanjabay Ing Caddow.

Gudoomiyaha guddiga sare ee siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumare Xabeeb Maxamed dheere ayaa ku tilmaamay jidgooyada uu xildhibaan Inj Maxamee Xusseen Caddow dhigtay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan mid sharci daro oo loo baahan yahay in si deg deg ah loo qaato.

Maxamed Dheere oo maanta hadal ka jeediyey magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in reer Hiiraan ay waajib ku tahay qaadista jidgooyadaasi wax kasto oo ay ku qaadataba xitaa haddii ay awood arinti gaarto isagoo carabaabat in jidgooyadaadi ay ceyb u soo jiidi doonto reer Hiiraan sida isaga uu hadalka u dhigtay.

Maxamed Cumar Xabeeb ayaa maanta hadaladii uu ka jeediyey magaalada Jowhar qaarkood waxa ku larnaa hanjabaad waxaana uu sheegay in maamulka Hiiran iminka ka dhisan uu yahay mid sharci ah isla markaana uu tallaabo ka qaadayo jidgooyadaasi haddii ay sii taallo deegaanka Jawiil.

Xiisada ka taagan deegaanka Jawiil ayaa noqotay mid kicisay dareenka dadka reer Hiiraan ayadoo maalmihii lasoo dhaafay xidhibaanka halkasi jidgooyada dhigtay ay si wada jir ah hanjabaad ugu wada direen wasiirka waxbarashada Cali C/laahi Cosoble iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusux Dabageed.

Ayadaoo xiisada ay sidan u kacsan tahay ayaa hadana odayaal dhaqameedyo reer Hiiraan waxa ay u kicitimeen deegaanka Jawiil si xildhibaanka halkaasi isbaarada dhigtay looga dhaadhiciyo inuu halkasi isbaarada ka qaato maleeshiyaadkiisana uu kala baxo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow ayaa isaga iyo maleeshiyo uu wato waxa ka ambabaxeen magaalada Muqdisho ayagoo deegaanka Jawiilna dhigtay jidgooyo ay ku tilmaameen mid canshuuro looga ururinayo gaadiidka wadadaasi adeegsata.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM.