|
Burcad Badeeddii Soomaalida aheyd oo Maxkamad uga Bilaabatey Mombasa Kenya.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya wadanka Kenya waxaa magaalada Mombasa
ee ku Taalla Xeebta badda Indian Ocean ka billaabatey Maxkamad lagu Qaadayo
Dad Soomaali ah tiradoodu Gaareyso 10 qof kuwaasi oo laga soo qabtey Xeebaha
Soomaaliya iiyagoo sida la sheegey ku hawlanaa inay Afduub u geystaan
Maraakiibta mareysa Badweynta Indian ocean. Maxkamadda Nimankaas la
saarayo waxaa hawsheeda wada Xeer ilaaliyeyaal Kenyan ah iyadoo lagu soo
oogay falal Buracad ah oo ay kula kaceen dad aan waxba galabsanin oo
ahaa Ganacsato iyo Dalxiisayaal iyo waliba shaqaale ka xoogsada Maraakiibta.
Dadkani waxay sheegeen inay yihiin dad aan dambi galin iyadoo walibana
aaney garanayn halka ay hadda Joogaan waxayna codsadeen inay helaan ama loo
keeno dad ka socda Dowaladda Somaaliya ee KMG ah sida ay sheegayaan wararka
halkaasi kasoo baxaya waxaa laga yaabaa haddii Dambigaas lagu Helo in lagu
Xukumo Xabsi Sanooyin badan ah Xuseen M. Xaaji
RSTV NEWSROOM |