Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   


Xubnaha Dowladda Federaalka ee kusugan Magaalada Baydhabo oo kaga dhawaaqay halkaasi Maxkamad.

Umuurtaan ayaa ka dambeysay ka dib kulan xubnahaasi ay ku yeesheen magaalada Baydhaba iyadoo kulankaasina uu gudoominayay Shriif Xasan gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Maxkamadaani ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Shaar Guduud ,iyadoo magacaabistaanina ay ku soo beegmeyso xili maalmo uun ay ka harsan tahay waqtiga u qabsoomayo kulnka baarlamaanka Soomaaliya.

Shaati Guduud oo gudoomiye u ah maxkamadaas oo kula hadlayay saxaafada magaalada baydhabo ayaa sheegay maxkamada cusub in lala tiigsan doono cid kasto oo fal danbiyeed ka gaysata magaalada baydhabo, isagoo tilmaamay maxkamada in ay howlaheeda sida uga dhaqsida badan in ay uga bilaabi doonto magaalada.

Dhismaha maxkamadan kumeel gaarka ah ayaa qeyb ka ah meel marinta hishiiskii ay kuwada gaareen masuuliyiinta Digil iyo Mirifle degmada Waajid, waxa uuna kusoo beegmay, ayadoo 5 maalmood ay ka harsan tahay xiliga loo qabtay kalfadhiga baarlamanka in uu kadhaco magaalada Baydhabo.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM