Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markab Indiya laga leeyahay oo xeebaha wadanka Soomaaliya lagu qafaashay.

Mas'uul l ka tirsan hay’adda caalamiga ee qaabilsan badaha fadhigeeduna uu yahay magaalada Kuwalalanbuur ewe xarunta wadanka Malesiya ayaa shaaca ka qaaday burcad badeed Soomaaliyeed ay maalintii axada ka afduubteen xeebaha Soomaaliya markab laga leeyahay dalka India oo ay saarnaayeen 25 shaqaale.

Andrew Mwangura oo xubin ka ah hay’adda wadanka Kenya u qaabilsan ilaalinta badda magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in aanay garanaynin halka afduubka uu ka dhacay laakin ay rumeysan yihiin inuu ka dhacay xeebaha woqooyi bari ee dalka Kenya.

Mwangura waxa kaloo uu sheegay markabkan oo lagu magacaabo MV Bhakti Sagaar xiliga la aqafaalanayey in uu kasoo shiraacday dekada magaalada Kismaayo, isagoo ku soo jeeday dekada Ceel Macaan ee magaalada Muqdisho.

Mas'uulkan ayaa sheegay in markabka la qafaashay uu ahaa mid faaruq ah balse ayaga ay xariir la sameeyeen ciidamada Mareykanka ee jooga xeebaha geska afrika sidoo kale mas'uulkan waxa uu xusay in xiriir ay la sameeyeen hay'adda badaha Indiya si faahfaahin dheeraad ah ay u helaan.

Hay’ada badaha caalamiga ah ee IMB-da ayaa sheegtay in xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwa Qatar ah iyadoo sheegtay tan iyo bartimihii bishii March ee 2005 xeebaha wadanka Soomaaliya ay ka dhaceen ilaa 37 weerar oo lagu qaaday maraakiibta adeegsada biyaha dalka Soomalaiya.

Bishii tagtay ciidamada Maariiniska Maraykanka ayaa gacanta kusoo dhigay burcad badeed Soomaaliyeed oo iminka maxkamad lagu saarayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM