|
Markab kuwa Rakaabka ah oo laga leeyahay Masar ayaa ku dagey badda Cas.
Markabkan oo ka yimid waddanka Sucuudiga ayna saarnaayeen dad tiradoodu kor
u dhaaftey 1400 oo qof waxaa uu ku soo jeeday Dekadda Safaga oo uu ku
soo beegnaa saacadda Masar marka ay tahay 2:00 am ayaa mar kaliya Degay.
Markabkan oo lagu magacaabi jirey Al Salama 98 waxaa saarnaa dad isugu jirey
quruumo badan inkastoo dadka badankiis ay ahaayeen Xujey ka reer Masar ah oo
kasoo laabtey Xajkii Sanadkan. Sida ay ku warramayaan Saraakiil reer Masar
ahi waxaa ay sheegeen in ilaa hadda la badbaadiyey dad gaaraya 314 Qof.
waxaana wali socda baadi doonkii loogu jirey sidii loo heli lahaa dadkale oo
Nool iyadoo waliba uu jirey Qabow dhinaca hawada ah iyo Duufanno oo ka
socdey Xeebaha Galbeed ee Sucuudiga kaasi oo xaaladda Adkeeyey oo dhibaato
ku noqday dadkii gurmadka ahaa ee samatabinayey dadkii Qaraqmay. Wasiirka
Gaadiidka Masaarida mudane Mohamed Lutfi Mansour ayaa sheegey dawladdu inay
halkaas u dirtey gurmad xoog leh si loo helo ama loo badbaadiyo dad kale oo
nool hase yeeshee wuxuu ka gaabsadey in dawladdiisu ay u baahan tahay Gurmad
dibadda uga yimaada. Xusseen M. Xaaji
RSTV INDIANA,USA RSTV NEWSROOM |