Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyinkii Isku Horfadhiyay Gobolada Dhexe oo Maanta qaarkood lakala qaaday.

Waxaa Maanta Magaaladda Gaalkacyo loogaga dhawaaqay in la kala qaday ciidankii dhawaanahaanba ay dagaalasu ku dhaxmareen gobolada dhexe soomaaliya gaar ahaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug qaybo ka mid ah

Goobo ka ay ka mid yihiin Galinsor,Hobyo. Cadaado iyo qaybo kala duwan ayaa waxaa la sheegay in ciidankii dhawaantaan ku dagaalamay qaybo ka mid ah dagmoyinkaasi

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo Dheere ayaa waxaa uu magaaladda Gaalkaco uu ka sheegay in maanta si rasmi ah loo kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay Dagmooyin ay ka mid yihiin Gobolada Galgaduud Iyo Mudug.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay magaaladda Gaalkacyo ku sugnaa Wasiiro iyo xildhibaano iyagu ka soo kala jeeda Labadaan beelood e iyagu ku dagaalamay Gobolada dhexe qaar kamid ah

Wasiirka Howlaha guud iyio guryanta Cismaan xasan cali Caato, Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Wasiiru Dowlaha Dakadaha Maxamed Jaamac Furux . iyo xubno kale oo iyagu ka tirsan labadaan beelood ayaa waxaa ay magaaladda gaalkacyo iyo goobo kala ooka tirsan Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ay ka wadeen sidii loo dhamayn lahaa qilaafka u dhaxeeyay labadaan beelood oo iyagu in mudo ka badan sanad ay halkaa ku dagalamayeen iyadoo la ogsoon yahayna ay ku dhinteen in ka badan boqol ruux halka intaa ka badan ay ku dhawaacmeen

Kala qaadistaan maanta la kala qaaday ayaa waxa ay tahay mid si wayn ay u soo dhaweeyeen dadka iyagu ku nool magaalooyinkii ay dagaaladu ka dhaceen iyadoo maalinkiii shalay ahaydna ay ka dhaceen magaaladda Galinsoor Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen dadka ku dhaqan halkaa oo iyagu diidanaa dagaaladaasi in aysii socdaan

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM.