Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shariif Xassan oo codsi u diray maleeshiyooyinka Waajid ku sugan.

Afhayeenka barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta mar uu kulan la qaatay odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ka dib waxa uu ka dhawaajiyey in loo baahan yahay n maleeshiyaadka ku sugan waajid in gudaha ay usoo dhaadhacaan magaalada Baydhabi si ay u gutaan waajibkooda ku aadan sugida amaanka xubnaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee Baydhabo kusoo qulqulaya..

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in maleeshiyooyinkaasi ay yihiin ciidamo dowladu bilihii lasoo dhaafay oo dhan ay ku tababareysay magaalada waajid loona baahan yahay in iminka ay kasoo baxaan waajibkooda qaran oo ka bilaabanaya sugida amaanka saraakiisha dowlada.

Gudoomiyaha barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in haddii maleeshiyaadkan ay kusoo biiraan kuwa Baydhabo iminka ku sugan uu amaanka magaalada noqonayo mid boqol kiiba boqol la isku haleeyo oo madaxda dowlada ee sar sare ay isku haleeyaan.

Afhayeenka barlamaanka ayaa tibaaxay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in labada maleeshiyo ay isku biiraan isla markaana laga gudbo qilaafka ku dhex jiraa saraakiisha ururka RRA waxaana uu ugu baaqay hogaamiyaasha Digil iyo Mirifle in ay cayaaraan kaalintooda ku aadan sugida nabad gelyada gobolka.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aaday xili magaalada Waajid ay kusii socdaan xubnaha labada gole ka tirsan oo kasoo jeeda Digil iyo Mirifle kuwaasi oo kulamo wada tashi ah lasoo yeelanaya xubnaha dowlada ee halkaaasi ku sugan oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada beeraha Xasan Shaar Gaduud.

Maxamed Cadde.