|
Qaar kamid ah Maleeshiyooyinkii Baydhabo ku
sugnaa oo Maanta magaaladaasi laga saaray.
Xubno ka tirsan Mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan
Magaalada Baydhabo ayaa Maanta waxay ku guuleysteen iney Magaalada ka
saaraan Qaar ka tirsan Maleyshiyooyinkii ku sugnaa Magaalada iyadoo la
dejiyey xaro ku taala tuulada Deynuunaay oo ku dhawaad 20KM ujirta
Magaaladaasi.
Sida uu sheegay Wasiirlka Beeraha Col.Xasan Maxamed Nuur
Shaatigaduud waxaa tirada Maleyshiyooyinkani ay aheyd 150 nin iyo sideed
Baabuur oo kuwa Dagaalka ah Iyadoo dhamaan saadkoodiina loo diray.
Maleyshiyooyinka kale ee Magaalada ku haray ayaa loo qaadi
doonaa xero ku Taala Deegaanka Manaas oo duleedka Magaalada ku yaala,waxaa
jira warar sheegaya in Maleyshiyooyinka lagu amray ineysan Magaalada kusoo
laabanin amar la,aan.
Waa markii ugu horeysay ee Maleyshiyooyin laga saaro
Magaalada xili shan Maalmood Keliya ay ka dhiman tahay 26ka bishan Febraayo
oo ah Xiliga uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ucalaamadeeyey inuu dhici doono
Kalfadhiga Baaralamaanka oo hadii uu Dhoco noqon doona kii ugu horeeyey ee
ay Madanayaasha Baarlamaanku ku yeeshaan Gudaha dalka tan iyo Markii lagusoo
dhisay dalka Kenya.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|