|
Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo laga
codsaday abaabulka isu soo bax ka dhan ah aflagaadadii nabiga loo geystay.
Qaar katirsan mas’uuliyiinta maamulka la magaca baxay
Somaliland ayaa ka codsaday madaxweynaha maamulkaasi Daahir Rayaale kaahin
in uu qabto Mudaaharaad lagu muujinayo sida ay shacabka Somaliland uga xun
yihiin Falkii lagu dacaayadeeyay Nebi Muxammed NNKH.
Dadkani ka codsaday Daahir rayaale in laqabto
Mudaaharaadkaasi ayaa waxaa kamid ah Mas’uuliyiinta kujira Dowladdiisa,
Odayaasha Golaha Guurtida Somaliland iyo qeybaha kala duwan ee Shacabka
Somaliland.
Majirto ilaa iyo hadda wax war cad ah oo kasoo baxay Dahir
Rayaale iyo Maamulkiisa oo ku aadan Jawaabta Arrinkani, lakin dahir rayaale
ayaa lagu soo waramayaa in uu ka gaabsanayo arrintani isagoo ka cabsi qaba
in haddii laqabto Mudaaharaad noocaasi oo kale ah uu dhoco wixii ka dhacay
Boosaaso oo ahaa in la dhagaxmeeyo xarumaha Hey’adaha Kirishtanka ay ku
leeyihiin halkaasi.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM.
|