Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Saraakiil Laanqeyrta cas ka tirsan oo booqanaysa Shabeelaha hoose.

Mas`uliyiin ka tirsan gudoonka maamulka degmada Kunturwaarey iyo saraakiil ka tirsan ururka caalamiga e Laan Qeyrta Cas ayaa booqasho ku bixiyay deegaano ka tirsan degmada Kunturwaarey oo ay abaarta sameyn xoogan ku yeelatay.

Booqashadaan ayaa la xiriirta qiimeyn lagu sameynayo baaxada abaaraha ee ka jira gobalka shabeelada hoose.iyadoo saameyntaana iminka laga dareemayo degaanadaasi.

Salaad Cali Koofi oo ah gudoomiyaha degmada Kunturwaarey oo u waramayay rstv ayaa xusay in deegaanada ay booqdeenb ay ku soo arkeen dhibaato xoogan oo aan indhaha laga qabsan karin iyadoo dad badani oo abaarata ka soo haajiray ay buux dhafiyeen deegaanka Kunturwaarey.

Saraakiisha Laan Qeyrta Cas ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan wax yaabihii ay ku soo argeen deegaanada ay booqdeen iyadoo lagu wado in dhawaan ay soo saaraan jawaabo ku aadan wax u qabashada dadka abaareysan ee gobalka Sh/Hoose.

Gudoomiyaha degmada Kunturwaarey ayaa ugu baaqay hay`adaha samafalka in jawaab la taaban karto ay ka bixiyaan gacan siinta dadka aabreysan ee ku sugan gobalka Sh/Hoose.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM