Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

MadaxweyneYuusuf,Geedi iyo Maxamed Dheere oo kulamo xassaasi ah Jowhar ku yeeshay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaaraha dowladda fedaraalka ee Soomaaliye Prof. Cali Max’ed Geeddi iyo gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa xalay kulan albaabadu u xiran yihiin waxa ay kuyeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Kulankan sedexdan masuul dhex maray ayaa qeyb ka ah dadaallo madaxweyne Yuusuf uu ku doonayo in uu kusoo afjaro mad madowgii soo kala dhex galy isaga iyo Max’ed Dheere ee ka dhashay go’aankii gudoomiyaha baarlamanka oo ay ka biyo diideen Geeddi iyo Max’ed Dheere oo hooy siiyay garabka dowladda ee xarunta kadhigtay magaalada Jowhar oo uu horkacayay madaxweyne Yuusuf.

Inkastoo kulankaas saxaafada aan lagu marti qaadin, hadana warar laga helay qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya sedexdaas masuul in ay isku afgarteen siwada jir ah in ay uga shaqeeyaan qabsoomida kalfadhiga baarlamanka ee lagu wado in uu kadhaco magaalada Baydhabo 26ka bishan aynu kujirno ee February.

Madaxweyne C/llaahi yuusuf iyo ra’iisul Wasaare Geeddi oo shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa waxa ay wadaan kulamo ay layeelanayaan xubanaha labada gole ee dowladda ee kusugan magaaladaas si xildhibaanada fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ay uga qeyb galaan kalfadhiga baarlamanka ee magaalada Baydhabo.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM