|
Gudoomiyaha barlamaanka oo dib u dhigay kalfadhigii
barlamaanka.
Kulan goordhawayd soo gabagaboobay oo ay yeesheen Xubnaha baarlamaanka
ayaa waxaa Gudoomiyaha baarlamaanak uu ka sheegay in kalfadhiga dib loo
dhiga ilamaa maalinta isniinta ah ee todobaadka soo socda iyadoo
mudanayaasha baarlamaankana ay isku raaceen.
Dib u dhiga kulankaan ayaa waxaa lagu micneeyay baarlamaanka oo aan wali
dhamayn iyo in kasoo baaraandagida Gudoomiyaha baarlamaanka gudiyadii uu
dhisi lahaa sida uu RSTV u sheegay Xildhibaan Xersi Aadan Rooble oo ah
Wasiirku xigeenka Dakadaha iyo gaadiidka badan .
Kulanka maanta ayaa waxaa joogay oo kaliya Gudoomiyaha baarlamaanka
Soomaaliya Shariif Xasan Sh, Aadan iyo ra'isulwasaaraha iyadoo uu maqnaa
Madaxwaynaha Soomaaliya waxaana la sheegin sababta uu ku maqnaa .
maalintii shalay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka furmay kalfadhigii ugu
horeeyay Ee baarlamaanka soomaaliya uu isugu yimaado tan iyo markii la
yagleelay Gudaha Dalka Soomaaliya lamana garanayo sababta dhabta ah ee dib
loogu dhigay kulanka
baarlamaanbka .
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|