|
Kaluumaysatada Reer Yemen oo ka cabanaya
Burcad badeeda Soomaaliyeed ee ka qowlaysata biyaha dalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah kaluumaysatada Reer Yemen ee ku dhaqan gobolka
laga magacaabo Al-xadiida ayaa ka cawday burcad badeeda Soomaalida oo ay
sheegeen in ay dhac u gaysataan, kana qaataan raashinka, shidaalka iyo
waxyaabaha kale ay wataan kaluumaysatadaas nolol maalmeedkeeda ka raadsata
jilaabashada.
Qaar kamid ah kaluumaysatada reer Yemen ayaa u sheegay
wargayska Al-ra’yi News ee kasoo baxa dalka yemen burcad badeeda
Soomaaliyeed in ay dhac u gaysanayeen bilihii lasoo dhaafay, iyadoo burcad
badeedaas ay weerar ku soo qaadeen kuluumaysatadaasi todobaadkiiba laba jeer
ama sedex jeer, waxa ayna intaa ku dareen maalmo in ay maqnaanayaan, kadibna
ay soo laba kaclaynayaan oo ay boobayaan kaluumaysatada.
Kaluumaysatada reer Yemen ayaa tilmaamay burcad badeedaas
hubkooda in ay ku liishaaamaan, isla markaana ay boobaan , waxii ay wataan,
waxa ayna kaluumaysatadu tibaaxeen burcadaas in ay ku gurtaan waxa ay
dhacaan laashash ay wataan, iyagoo isaga dhaqaajiya kaluumaysatadaas oo aan
haysan cuno iyo shidaal ay ku tagaan xeebaha dalka Yemen.
Maxamed Cadde
RSTV MUQDISHO
|