Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kalluumaysato Reer Yaman oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliland oo lasii daayey iyo madaxweynaha Yaman oo baaq u jeediyey xubnaha barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Yaman Cali C/lla Saalax ayaa soo dhaweeyay kulanka barlamaanka Soomaaliya ee ka furmay ,magaalada Baydhaba ,isga oo ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday oo dhanabada u xaaraya dhismaha hay`kalkii doowladnimo ee Soomaaliya.

Mudane Saalax oo qadka taleevanka kula soo xiriiray Madaxeynaha Soomaaliya iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay in kulankaani uu yahay mid xoojinaya midnimada dalka Soomaaliya iyo soo celinta nabada .

Madaxweynaha Yaman ayaa ku booriyay xildibanaada Baarlamaanka Soomaaliya in ay muujiyaan mas`uuliyad ayna ka shaqeeyaan soo celinta nabada dalka,isaga oo carabka ku dhuftay in dalka Yaman uu Bar bartaagan yahay habeen iyo maalin.

Mudane Saalax waxa uu sheegay in dalka Yaman iyo dalalka deeqda bixiya ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna diyaar u yihiin in dowlada Soomaaliya ay ka taageeraan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Mudane Saalax ayaa xusay in uu ku rajo wenyahay in kalfadhiga baarlamaanka uu soo afjari doono waxii khilaaf ahaa ee horay u jiray.

Dhinaca kale Maamulka Soomaaliland ayaa sii daayay kooxo kaluumaysato reer Yaman ah oo horay loogu qabtay xeebaha maamulkaasi xili ay ku guda jireen jilaabashada xeebaha Soomaaliya si sharci daro ah.

Kooxdaan la sii daayay oo gaarayay 34 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay gaareen dalka Yaman.,iyadoo aysan jirin warar rasmi ah o shegaya qaabka sii deyntooda ay ku timid.

Warkaani oo soo daabacay bogga 26-Sep ee dalka Yaman ayaa lagu sheegay in ay jiraan warar sheegaya in maamulka Soomaliland kala hartay doomihii ay ku kaluumeysnayeen.

Kaluumeystadaan la sii daayay ayuu boggu xaqiijiyay in xaaladooda caafimaad ay si aad ah u wanaagsan tahay isla markaana aan loo geysan wax xadgudub ah .

Iyadoo mas`uul sare oo ka tirsan maamulka Soomaaliland oo qariyay magaciisa uu sheegay in kooxahaasi kaluumeystada ah ay kala hareen doomihii ay ku kaluumeysnayeen ayaa dhinaca kale hogaamiyaha mamulka Soomaliland daahir Riyaale Kaahin waxa uu qoraal abasho ah u u gudbiyay Madaxeynaha Dalka Yaman Cali C/lla Saalax inkastoo aanu jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay dhanka Saalax.

Maamulka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in doomaha laga leeyahay dalka Yaman ee sida sharci darada ah uga kaluumeysta xebaha Soomaaliland ay cirka isku sii shareerayaan iyadoo ay jiraan 200 oo dooni oo ka jilaabta xeebahasi.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM