|
Shariif Xassan oo maanta ka baaqdsaday socdaal uu ugu
ambabixi lahaa Gaalkacyo.
Gudoomiyaha barlamanaka dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif
Xassan Sheekh Aadan oo maanta oo khamista ah lagu waday in magaalada
Gaalkacyo uu socdaal ku yimaado ayaa safarkiisii uu dib u dhacay ayadoo aan
illaa iyo iminka aan shaaca laga qaadin sababaha rasmiga ah ee keenay in dib
uu u dhaco.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in gudoomiyaha barlamaanka ay soo food
saareen shaqooyin aad u culus oo aan laga tagi karin ayado gudoomiyaha la
sheegayo in Gaalkacyo uu tagi doono maalinta bari ah ama sabtida.
Gudoomiyaha barlamaanka ayaa iminka ku howlan sidii uu isugu soo dhaweyn
lahaa xubnaha beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan xubnaha ururka RRA-da.
Gudoomiyaha ayaa magaalada tan iyo markii uu soo gaaray Baydhabo waxa uu
kulamo la lahaa madaxda ururka RRA-da ayadoo warar soo baxaya ay sheegayaan
in gudoomiyaha uu in xoogaa ah isku soo dhaweeyey garabyada RRA-da ee kala
irdheysan.
Maxamed Cadde.
|