Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada jabuuti oo shaaca ka qaatay in la helay meydadka tahriibayaal Yaman kusii jeeday.

War ka soo baxay booliska dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay in ugu yaraan ay geeriyoodeen 23 qof ka dib markii dooni yar oo ay sarnaayeen oo laga lahaa dalka Yaman ay kula degtay xeebaha dalka Jabuuti.

Ila wareedkaani ayaa sheegaya in aan la garaneyn sababta dhbta ah ee kla dambeysa quusida doonidaasi ku dagtay xeebaha Raasber oo 80kmt dhanka waqooyi bari ka jirta magaalada caasimada ah ee Jabuuti.

Doonidaan ayaa la xaqiijiyay in ay siday rakaab gaarayay 40ruux kuwaas oo si shrci dara ah ugu safrayay dalka Yaman iyadoo la helay tiro ka mid ah meydadkana laga helay xeebaha deegaanka Obek ka dib markii ay soo caariyeen sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee FrancePress.

Mid ka mid ah dadka soo badbaaday ayaa xaqiijiyay in kooxihii waday doonidaasi degtay ay ku baxsadeen markab ku siijeeday dalka Yaman.

Booliska deegaanka Obek ee dalka Jabuuti ayaa tibaaxay in ay rumeysan yihiin in dadka geeriyooday ay badankooda ahaayeen dad si sharci dara ah ku socdaalayay.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM