Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Israsaaseyn dad ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay xarunta dowlada kmg ah ee Soomaaliya ee Jowhar.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya laba qof in ay geeriyootay,3 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii israsaasayn kulul ay maanta ka dhacday saldhiga dhexe ee booliska magaalada Jowhar.

Israsaasayntii maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlada kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay dhex martay kooxo ka tirsan ilaalada xabsigaasi booliska kuwaasi oo isku qabtay amaro kasoo kala baxay taliyaal maamulka gacanta ku haya Jowhar ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyntu ay ka bilaabatay ka dib markii takliye xigeenka xabsigaasi uu xabsiga kasii daayey nin uu soo xiray taliyaha xabsigaasi Xasan Dhicisow ka dibna muran uu dhex maray labada dhinac ayadoo markii danbe arintu ay isu badashay gacan ka hadal dhibaato badan geystay.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee gudaha magaalada ka dhacda tan iyo markii magaaladaasi ay xarun ka dhigatay dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWS.