Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed dheere oo u goodiyey saraakiishii ka danbeysay iska hor imaadkii Jowhar maanta ka dhacay.

Gudoomiyaha guddiga siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb"maxamed dheere" ayaa maanta mar uu shir jaraa'id u qabtay saxaafada ka hadlay iska hor imaadkii maanta ka dhacay gudaha saldhig ku yaalla magaalada Jowhar xarunta dowlasda federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in mas'uuliyada wixii dhacay uu iska leeyahay sarkaal ka tisran ciidamadiisa oo uu ku tilmaamay nin ka hor yimid awaamirta taliyaha saldhiga Jowhar waxaana uu muujiyey sida weyn ee uu uga xunyahay dhibaatadii uu sababay iska hor imaadka dhacay .

Gudoomiyaha guddi siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Dheere ayaa sheegay in sarkaalkii arimahan ka danbeeyey dhawaan la marsiin doono waxyaabaha uu kasbaday isagoo dhanka kale tacsi u diray qaraabada dadkii maanta ku geeriyooday iska hor imaadkii Jowhar ka dhacay.

Iska hor imaadka dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa isaga hor yimid ciidamo kala taabacsanaa taliyaha saldhiga booliska Jowhar iyo ilaalo uu lahaa mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Maxamed Dheere waxaana ku qur baxay iska hor imaadkaasi inta iminka la xaqiijiyey labo ruux.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWS