|
Isbahaysi loogu magic daray isbahaysiga la dagaalanka argagixasada oo
maanta lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah
ganacsatada gobolka Banaadir oo maanta kulan ku yeeshay xarunta hogaamiye
kooxeedka Max’ed Qanyare Afrax ayaa maanta kaga dhawaaqay Isbahaysi la magac
baxay Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta amaanka.
Hagaamiye kooxeedyada kasoo qeyb galay kulankii maanta ka dhacay Dayniile
waxaa kamid ahaa Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud
Max’ed (Cumar Finish), Bootaan Ciise Caalin, Bashiir Raage Shiiraar, C/rashiid
Ilqeyte iyo rag kale oo sheegay in ay la dagaalami doonaan wax ay ugu
yeereeen qolyaha hoyga siinaya argagixisada shisheeyaah ah, isla markaana ay
ka nadiifin doonaan kuwa maal geliya argagixisada.
ragii maanta kaga dhawaaqay Isbahaysiga magaalada Muqdisho ayaa sheegay
baaritaan dheer kadib in ay ogaadeen kuwa ka danbeeya dilalka loo gaysto
Saraakiishii hore ee ciidamada dalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen kuwa
xagjirta ah oo indhaha iyo wajiyada duubta.
Wasiirka Amniga Qaranka Max'ed Qanyare Afrax oo ka hadlay kulankii maanta
lagaga dhawaaqay Isbahaysigaas ayaa kutilmaamay Maxaakiimta Islaamiga in ay
yihiin argagixiso.
"argagixisada wey jirtaa, cid ismoogaysin karta majirta, maxkamado ayay
furteen, afkey duubteen,daka ayay dilaan, xabsiyo ayay furteen, dadka ayay
tarjuureeyaan, waa layaqaana, cid aan aqoon majirto" sidaasi waxaa yiri
Max'ed Qanyare Afrax oo intaa ku daray fikirkan in iyaga leeyihiin, balse
kan ay wadaan dadkaas uu kutilmaamay argagixisada waa mid laga keenay dalka
dibadiisa sida bariiska iyo burka lakeeno.
Qanyare waxa uu sidoo kale tibaaxay in ay iscadeeyaan sidii Usaama Bin
laadin, Eyman Al-dawaahiri iyo Abu Muscab Al-zarqaawi ay isku caddeeyeen.
Bashiir Raage oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in ay la dagaalami
doonaan wax uu ugu yeeray kuwa wata mabda'a Wahaabiyada, waxa uuna sheegay
in ay culimo u yaqaanaan dariiqada Suufiyada oo aaminsan madhabka
Shaaficiyada.
ku dhawaaqista Isbahaysigan ayaa ku soo beegmay xilli dagaal qaraar uu u
dhexeeya Maliishiyooyin taabacsan hogaamiye kooxeedyada iyo Midowga
maxaakimta islaamiga uu k kasocda agagaarka kuliyada Jaalle Siyaad ee wadada
Warshadaha.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|