|
Isbahaysiga la dagaalanka
argagixisada ooo kulankii uguhoreeyey yeeshay ka dib dagaaladii uu la galay
maxaakiimta.
Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo s celinta amaanka Muqdisho
ayaa waxa ay dhawaajiyeen in ay la dagaalami doonaan shaqsiyaad ay
tilmaameen in lagu soo tababaray dibada wadanka sida Afghanistan iyo Nin u
dhashay wadanka Sudan oo ay sheegeen in uu ku dhuumaaleysanayo meel ka mid
ah magaalada Muqdisho, ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta Maxamed qanyare
Afrax wasiirka amaanka qaranka uu ku leeyahay Degmada Deyniile ee magaalada
Muqdisho.
Kulankan oo socday muddo saacado ah ahaana mid albaabada u xirnaayeen
ayaa war saxaafadeed ay ka soo saareen hogaamiyaasha isbaheysiga la
dagaaalanka argagixisada waxa ay ku sheegeen in 18- kii bishan dagaaladii ka
dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwo ayaga lagu soo qaadey, iyagoo
sheegay in ay ka soo horjeedaan isla markaana ay la dagaalami doonaan dadka
shisheeyaha ah ee dambiyada ka soo galay dalalkii ay u dhasheen.
Waxa ay tibaaxeen in aysan ka soo horjeedin shaqsi ama qabiil laakiin ay
beegsnayaan dad danbiyo soo galay isla markaana ay tagayaan goobkasta oo
katisarn caasimadda Muqdisho oo ay ku dhuumaaleysanayaan shisheeyaasha.
Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa kii ugu horeeyey ee mas'uuliyiintya
isbahaysigan ay isugu yimaadaan tan iyo markii lagu dhawaaqay isbahaysigan
isla markaana dagaalada ay ka dhex qarxeen ciidamo isbahaysigan raacsan iyo
maxaakiimta islaamiga ah.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|