Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Sheekh Yuusuf Indhacade oo dalbaday in xilka laga qaado Qanyare iyo Muuse Suudi.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Yuusuf Maxamuud Siyaad ayaa ku tilmaamay isbahaysiga la magac baxay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada isbahaysiga sharta iyo shaydaanka.

Sheekh Yuusuf Indhacade waxa uu sheegay isbahaysigaas in uu yahay mid la diririya diinta islaamka, isagoo eedeyn u jeediyay wasiirada hubaysan iyo ganacsatada ku bahoobay isbahaysigaasi.

Mar la weydiiyay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose sida uu arko dagaalkii maalmahaan ka soconayay magaalada Muqdisho waxa uu ku jawaabay dagaalka in uu dhaxeeyo wadaado difaacaya diintooda iyo dalkooda iyo rag ku bahoobay la dagaalanka wadaada iyo maxaakimta islaamiga.

Indhacade ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamanka fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya in ay xilka ka qaadaan Max’ed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow oo uu ku tilmaamay diin diid iyo qaran dumis.

"waxaan kula talinayaa xildhibaanada kulanka ku yeelanaya magaalada Baydhabo in ay xilka ka qaadaaan Max’ed Qanyare iyo Muuse Suudi oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, waana diin diid, dowlad diid iyo qaran dumis" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacade oo intaa raaciyay ragan in ay caqabad ku ahaayeen 15kii sanadood ee lasoo dhaafay dadaallo kasto oo lagu doonayo xal in uu looga helo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Indhacade waxa uu intaa kudaray Max’ed Qanyare iyo Muuse Suudi in ay carqaladaynayaan kalfadhiga baarlamanka fedaraaalka kmg ah ee Soomaaliya ee lagu qabanayo magaalada Baydhabo 26ka bishan aynu kujirno.

Hadlakan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa yimid maalin uun kadib baaq uu u jeediyay labadii dhinac ee ku dagaalamay magaalada Muqdisho, isagoo beeniyay warar sheegayay maliishiyooyin ka amar qaata in ay ka qeyb qaateen dagaaladii dhex maray midowga maxaakimta islaamiga iyo maliishiyooyinka daacada u ah isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM