|
Isu
taga imaaraadka carabta oo Soomaaliya gacan ka siinaya dib u dhiska
hay’adihii qaranka.
Xoghayaha guud ee u qaabilsan dalka isutaga Imaaraadka Carabta dhanka
magaalooyinka Jaasim Mux’ed Darwiish ayaa sheegay dalkiisa in uu iskaashi
dhinacyo badan ah la gelayo dalka Soomaaliya.
Masuulkaas ka tirsan dowladda isutaga Imaaraadka Carabta oo ku qaabilay
xaruntiisa magaalada Abu Dhabi wafi ka socda dowladda fedaraalka kmg ah ee
Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka xanaanada Xoolaha Ibraahim Isxaaq
ayaa sheegay dalkiisa in uu qorsheynayo iskaashi dhinacyada adeega bulshada
ah in uu lagalo dalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay labada dal in ay
isdhaafsan doonaan macluumaad ku saabsan dhinaca cunada.
Wasiirka xanaanada xoolaha ee dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya
Ibraahim Isxaaq ayaa ka codsaday dalka Imaaraadka in ay ka taageereen
dalkiisa dib u soo celinta hay’adihii qaranka ee burburay.
Wafdiga wasiirka xanaanada xoolaha ee kulanka la yeeshay masuuliyiinta
dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa kamid ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya
dalka Imaaraadka Xuseen Max’ed Bilaal..
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Xigasho:Warbaahinta Imaaraadka Carabta.
|