Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Imaaraadka carabta oo sheegtay in ay quudisay 150 kun oo Soomaali ah.

Madaxa gargarka iyo wax ka qabashada musiibooyinka dalka Imaaraadka ayaa shaaca ka qaaday in ay gargaarbini'aadanimo gaarsiiyeen dad Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Kenya isla markaana ay sii wadi doonaan.Hay`ada Bisha Cas ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa gar gaar cuno ah gaarsiiyay dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka waqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu ku nooshahay.

Hay`adaan ayaa gar gaar isgu jira Bur,Bariis,Saliid iyo caano waxa ay u qeybisay Soomaali gaareysa 150kun oo ruux oo abaartu ay ku dhufatay.

Dr Saalax Aldhaa`ii oo ah madaxa gar gaarka iyo musiibooyinka dalka Imaaradka Carabta ayaa tibaaxay in si siman ay gar gaarkaasi u qeybiyeen ayna ku rajo wenyihiin in yareyso baahida xoogan ee dadkasi Soomaalida ah ku dhufatay.Sh.Maxamed Cali oo ka mid ah Oday dhaqameedyada Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Mandheera ayaa xusay in gar gaarkaani uu yahay mid ku dayasho mudan ayna rajeynayaan in intaa ka badan la soo gaarsiiyo.

Wafdigaan Hay`ada Bisha Cas ka socday ayaa booqasho ku bixiyay isbitaal Xukuumada Kenya ka sameysay deegaanka Mandhera si howlaha caafimaad loogu sahlo qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugan halkaa.Dr Saalax Aldhaa`ii ayaa ugu baaqay hay`adaha kale ee gar gaar in ay iyana qaadaan talaabadan oo kale si loo yareeyo dhibatada abaaraha ka dhalan kara.

Wafdigaan ka socda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda ay mar kale ka fuliyaan baraanimkaani gar gaar deegaanada abaaraha ka jiran .

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM.