Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho dhawaana dhistay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo Jowhar Max'ed Dheere iyo sarkaal Mareykan ah kula shirey.

Wasiirada hubaysan ee Muqdisho ee ku bahoobay isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, kadib sida wararka aynu ku helaynu ay markii martiqaad ay ka heleen gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Max’ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere .

Wararka magaalada Jowhar ka imanaya ayaa sheegaya wasiirada hubaysan ee maanta u baqooshay magaaladaas in ay kamid yihiin wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, , wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta Cumar Max’ud Max’ed (Filash),wasiirka amniga qaranka Max’ed Qanyare Afrax ganacsade Bashiir Raage iyo rag kale oo xubin ka ah isbahaysiga iyo wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqancelinta maleeshiyaadka Botan Cise Caalim.

Hogaamiyaasha la dagaalanka argagixisada ayaa magaalada Jowhar kulan saacado kooban qaatay kula yeeshay Maxamed Dheere iyo sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka ayadoo aan la shaacin waxyaabihii dhabta ahaa ee ay ka wada hadleen hogaamiyaashan laakiin warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in ay ka wada hadleen sare u qaadista ololeha Mareykanka uu kula dagaalamayo argagixisada geska afrika ayadoo hogaamiyaashan laga codsaday in ay ballaariyaan howlaha dalka ay ka wadaan.

Hogaamiyaashii Muqdisho ka tagay ayaa lagu soo waramayaa in kulankaasi ka dib ay si deg deg ah dib ugu soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka tageen.

Wasiirada hubaysan ee Muqdisho oo aan ka qeyb galin kulanka baarlamanka ee ka furmay magaalda Baydhabo ayaan la garanayn sababta keentay xiligan in ay u ambabaxaan magaalada Jowhar, taasoo ku soo beegmaysa maalin uun kadib markii Max’ed Dheere uu socdaal ku yimid magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Socdaalka wasiiradan isku gaashaanbuureystay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaa yimid iyadoo guddiga dhex dhexaadinta ay ku howlan yihiin soo afjarida xiisidihii dhaliyay gacan ka hadalka dhex maray midowga maxaakimta islaamaga iyo isbahaysigan maleeshiyaadkiisa.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWS ROOM