|
Shirkaddii Imaaradka ee Maamuli lahayd Lixda Dekadood ee
Markanka ku yaalla ayaa dib u dhigtey Heshiiskaasi. sida lagu
sheegey hadal qoraal ah oo ay Shirkadda Dubai Ports World ka soo saartey
Magaalada Washington DC ayey shirkaddaasi ku sheegtey inay ay dib u dhigeyso
la wareegiddii ay la wareegi laheyd lix Dakadood ah
oo ka mid ah Dakadaha waaweyn ee Mareykanka taasi oo ay shirkaddaasi
dooneysey inay qabato dhamaan hawlaha Dakadahaas iyadoo mar hore ku
guuleysatey qandaraas aad u weyn oo ay kula wareegaysey maamuladda
dakadahaasi marka laga reebo dhinaca nabadgelyada oo ay gacanta ku hayn
doonaan Ciidan ilaalada Xeebaha Mareykanka. Shirkaddu waxay sheegtey in
dib u dhigista heshiiskaasi ay ugu talagashay in ay siiso wakhti dheeraad ah
Maamulka Mareykanka iyo Aqalka Cad si uu xal uga gaaro Mucaaradad xoogan oo
lagala hor yimid heshiiskaasi iyadoo Xubno badan oo ka tirsan labada xisbi
ee Mareykanka ugu waaweyn iyagoo Xbnahaasi sheegey in aysan Suurta gal ahayn
in Dekadaha Mareykanka gacanta loo galiyo Shirkad Carbeed waxayna Muujiyeen
in ay Cabsi weyn ka Qabaan in ay Argagixiso ku soo Dhuuman karto ama ay u
sahli karto inay si fudud u soo galiyaan waddanka Mareykanka Hubka wax
Gumaada. Si kastaba ha ahaatee Muran weyn ayey keentey arrinta ku saabsan
shaqada ay fulin laheyd Shirkaddaas laga leeyahay Dubai ee ku guuleysatey
Qardaraaskan ku kacayey Malaayiinta Dollar. Abdifatah M.
Abdinur.
RSTV NEWS
|