|
Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Faanoole oo soo dhaweysay heshiiskii Cabdi
Cigal iyo Hirale ee sababay in maleeshiyadi dagaalamaysay ay midoobaan.
Ka gadaal markii laga heshiiyay khilaafkii gacan ka hadalka dhaliyay ee
dhexmaray maleeshiyooyin kala taabacsan Col. Cabdi Cigaal iyo Barre
Hiiraale,ayaa waxaa ka hadlay soona dhaweeyay heshiiskaasi hay’adda xaquuqda
Aadanaha ee Faanoole oo ka howlgasha goballada Jubooyinka.
Gudoomiyaha hay’adaasi oo saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in
tallaabadii lagu dhameeyay xasaradaasi ay soo dhoweynayaan maadaama la bad
baadiyay dad badan oo xiisadihii jiray wax ku noqon lahaa.
Cali Baashi waxaa uu sheegay in horay goballada ay hay’adoodu ka
howlgasho dagaallo u daashadeen sidaa darteedna ay haatan tahay xilligii
nabadda la dhiirra gelin lahaa.
Waxaa uu hoosta ka hariiqay Cali Baashi in masuuliyiinta Dooxada Jubba
looga fadhiyo inay dhowraan xasilloonida goballada ay ka arrimiyaan,isagoo
sheegay in dilka qof Muslim ah oo aan waxba galabsan ay tahay jariimada ugu
weyn ee bani’aadamka lagu kaco,waxaana uu tilmaamay hay’adiisa inay u
diiwaangelin doonto kuwa xadgudubyada caynkaasi ah ku kacaya.
Maxamed Cadde.
STV,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|