|
Hay’adaha gargaarka ee gobolka geeska afrika ka howl gala oo abaaraha ka
dhacaya Soomaaliya iyo Kenya ku tilmaamay kuwa halis ah.
Hay’adaha gar gaarka ayaa sheegay abaaraha ka jira gobollada ku yaalla
xadka Soomaaliya iyo Kenya in ay sababeen barakac weyn oo soo food saaray
dadka ku dhaqan deegaanaadaas oo u hayaamay koonfur bari ee dalka Itoobiya,
halkaasoo lagu soo warramayo iyadana xaalku in uu marayo meel xun.
Hay’adaha gar gaarka ayaa tilmaamay cuno yari ba’an in ay soo wajahday
caruurta, taasoo sababtay macluul iyo cudurro in ay u la’daan.
Warbixinada ay soo saareen hay’adaha gar gaarka waxa ay intaa ku darayaan
dadkii ku dhaqnaa deegaanada miyiga in ay u soo hayaameen magaalooyinka
kadib markii deegaanadooda ay ku dhufteen abaaro gallaaftay dadka iyo
duunyada.
Xafiiska QM ee howlaha bini’aadanimada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay,
iyadoo mashruucyo dhowr ah laga hirgaliyay deegaanada ismaamulka Soomaalida,
hadana baaxada dhibaatada in ay tahay weli mid maraysa meel aad khatar u ah.
Ururka MSF Belgium oo daraasad ka sameeyay killinka 5aad ee ismaamulka
Soomaalida ayaa sheegtay cuni xumida baahsan ee ka jira gobolladaas in ay
sara u qaaday tirada caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir ee ku
dhimanaya gobolladaas.
Waxa ayna intaa kudartay hay’ada cudurka Xiiq dheerta in uu yahay kan ugu
daran oo ay u dhimanayaan caruurtaas da’doodu ka hoosayso 5 sano jirka, waxa
ayna MSF ku talisay in lala gaaro deegaanadaas biyo nadiif ah iyo cunno
dhamaystiran si loo samata bixiyo caruurtaas macluusha baahsan ay soo food
saartay.
Maxamed Cadde.
RSTV Mogadishu
|