|
Hay'ado gargaar oo xaruntoodu ay
tahay Norway oo joojiyey gargaarkii wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay ay
siin jireen.
Hay`ado gar gaar oo laga leeyahay dalka Norway ayaa gabi ahaan joojiyay
waxa ay ku tilmaameen gar gaar ay siin jireen dhowr dal oo Soomaaliya ugu
horeyso.
Talabadasi ayaa ka dambeysay ka dib banaabaxyo looga soo horjeedo
aflagaadeyn dhowr wargeys u geeysteen Rasuulka (SCW)
Wargeyska Nuware Post oo ka soo baxa dalka Norway aya sheegay in Hay`ada
Laan Qeyrta Cas ee dalkaasi ,golaha u gar garida qaxootiga iyo Kaniisada
dalkaasi ay qaateen talaabo gar gaar waxa ay ku tilmaameen ay uga joojiyen
dalal islaami oo ay kim yihiin Soomaaliya,Bakistaan,Suudaan,iyo Induniisiya.
Wargeyskaani ka soo baxa dalka Norway waxa uu tilmaamay in sidoo kale
hay`daha gar gaar ee dalka Danmark iyana qaadi doonaan talaabada ay qaadeen
dhigooda dalka Norway .
Dibad baxyo waa weyn ayaa laga dhigay dunida muslimka oo looga soo horjeedo
sawir gacmeedyada lagu ijaafeeyay Rasuulka (SCW) iyadoo dhowr dal oo islaam
ah ay qaadeen talaabo ay ku qaadaceen wax laga soo saaro dalka Danmark oo
wargeys ka soo baxa uu soo dabaacay sawirkii ugu horeeyay ee wax loogu
dhimiyay sharafta Rasuulka (SCW).
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|